Kulan looga hadlayey dib u eegista Dastuurka dalka oo Maanta Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho | April 14, 2017-Kulan looga hadlayey dib u eegista Dastuurka dalka ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku dhexmaray Wasaaradda Dastuurka iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka dowladda Federaalka Soomaaliya Dr.Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalku uu yeesho Dastuur loo wada dhan yahay isla markaane ay ka wada qayb qaataan Shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Dalka Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa sheegay iney muhim tahay in dib u habaynta iyo dhamaystirka Dastuurka dalka laga madax banneeyo faragalin Shisheeye,wuxuuna soo jeediyey in bulshada rayidka ah laga qayb galiyo Gudiga dib u eegista Dastuurka ee ka kooban labada Aqal ee dalka.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *