Saldhigii Ugu weyna ee I toobiya Ay kulahaayeen Galgaduud Oo Ay Maanta Faarujiyeen

Muqdisho | April 14, 2017-Ciidanka Itoobiya ayaa maanta waxa ay baneeyeen qeybo ka mid ah Magaalada Dhuusa-mareeb ee Gooblka Galgaduud, iyaga oo u ruqaansaday wadanka Itoobiya.

goobjooge ku sugan Galgaduud ayaa soo sheegaya in Ciidanka Itoobiya oo saldhigooda ugu weyn ku lahaa Degmada Dhuusa-mareeb, ay faarujiyeen, kuwaas oo ugu dambeyntii u gudbay dhanka xuduuda Itoobiya ay la leedahay Soomaaliya.

Waxa uu sheegay goobjoogah in Ciidanka Itoobiya intooda badan in ay ka baxeen Galgaduud, inyar oo keliyana ay ku hareen, kuwaasi oo iyaga xitaa laga cabsi qabo in ay baxaan.
.
W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *