Xiisad u Dhaxaysa Galmudug iyo putland oo ka taagan Gaalkacyo

Muqdisho | April 14, 2017 –Xiisad u dhaxeysa Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa waxa ay ka taagan tahay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, sida uu soo sheegayo wariye madaxbanaa QOL .

Xiisadan ayaa si gaar ah waxa ay uga taagan tahay Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo, kaasi oo dhowaan Puntland ay sheegtay in ay balaarineyso dhismaha Garoonka.

Wariyaha madaxbaan ee Magaaladaasi ku sugan ayaa soo sheegaya Guryo ku yaalla dhanka Galmudug ee Magaalada Gaalkacyo in la burburiyay, xiisaduna ay tahay mid sii kululaaneysa.

lasoco wixii ku soo kordhaa 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *