Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale oo xilka laga qaaday

Muqdisho | QOL | May 4, 2017 – Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale oo ku eedeysnaa in ilaaladiisu ay dileen xalay Wasiir Cabaas Siraaji ayaa caawa xilkii laga qaaday.

Tallaabooyinka xilka looga qaaday Hanti Dhowrka Guud Dr. Nuur Faarax:
  1. Guddiga Baaritaanka waday oo ugu horeyn dalbaday in xasaanada laga qaado, taasoo sababtay in xilka laga qaado.
  2. In isagoo Mas’uul ah aanu u gurman markii falku dhacay Wasiirkii la dilay, isla markaana marka dhibka dhacay uu gaarigiisa goobta ka dhaqaaqay.
  3. Wareysigii uu siiyay Idaacada VOA oo lagu tilmaamay inay aheyd mas’uuliyad darro iyo inuu ka hor-dhacay baaristii socotay, kuna tilmaamay wixii dhacay inay ahaayeen askar is rasaaseysay, uuna Wasiirka ku dhintay qaab shil, sidaas darteedna Guddiga baaritaanka waday ay soo bandhigeen cadeymo muujinaya in hal xabad kaliya ay dhacday, oo aheyd tan lagu dilay Wasiir Cabaas.
  4. In askariga dilka geystay oo ka mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrka Guud qoriga uu wax ku dilay uusan aheyn mid sharciyeysnaa, isla markaana qorigiisa uu meel kale jiray.
 DAAWO WASIIRKA WARFAAFINTA OO KA HADLAYA XIL KA QAADISTA

https://www.youtube.com/watch?v=CdEaRFgzSWY&feature=youtu.be

.https://www.youtube.com/watch?v=CdEaRFgzSWY&feature=youtu.be
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *