Dagaal Ka Dhanah Al Shabaab Oo Lagu Dhawaaqay

Muqdisho  | QOL | May  21, 2017 –—Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. C/laahi Cali (Caanood) ayaa waxa uu sheegay dhowaan in uu bilaabanayo Dagaal ka dhan ah ururka Al-Shabaab, kaasi oo looga saarayo guud ahaan dalka.

Waxa uu sheegay Abaanduulaha in la diyaariyay dhammaan Ciidanka Dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Ciidanka Xoogga dalka, kuwaasi oo loo dhameystiray Sahnadoodii Millatari.

Gen. C/laahi Cali (Caanood) Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay Dagaalkan in uu ka duwan yahay kuwii hore, uuna lahaan doono bilow ilaa dhammaad.

Talisyada Ciidamada Xoogga dalka ayaa fulinaya amarkii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), kaasi oo sheegay in la qaadayo guluf colaadeed oo ka dhan ah Shabaab.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *