Nadwo Ramadaanka lagusoo dhawaynayo oo ka bilaabtay Gaalkacyo.

Gaalkacyo | May 21, 2017 –  Iyada oo Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan ay ka harsan tahay muddo kooban ayaa waxaa ka bilowday qaar kamida Masaajidda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug Nadwo lagusoo dhawaynayo Bishaasi Barakaysan.

Nadwadaani oo ay soo qaban qaabisay Mu’asasada Alminhaaj Puntland ee Dacwada iyo Horumarinta ayaa waxaa loogu tala galay in Bulsha weyn Reer Gaalkacyo ay ugusoo diyaar garoobaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Nadwada ayaa waxay ka bilaabtay labada Masjid ee waaweyn: Masjid Ramadaan (Garsoor), iyo Masjid Abii Hurayra (Israac).

Nadwada oo soconaysa muddo afar habeen ah ayaa waxaa soo jeedinaya Culimada ugu waaweyn Magaalada Gaalkacyo.

Ciwaanada lagu qaadanayo Nadwada labadeeda Daraf ayaa isku mid ah marka laga reebo Caawa oo ah habeenka u hureeya.

Masjid Ramadaan Muxaadarada Ciwaankeedu yahay: Sababaha keena in la laalaabo Ajarka ayaa waxaa Caawa kasoo jeediyay Sh.Badal Mohamud Sugulle Camiidka Kuliyada Shareecada ee Jaamacada Bariga Afrika (Gaalkacyo).

Masjidka Abii Hurayra waxaa Muxaadarada Ciwaankeedu yahay: U diyaar garowga Bisha Ramadaan kasoo jeediyay Sh.Abdurezak Fiki Warsame Maxamuud Shiikha Kitaabada ka Akhriya Masjidka weyn ee Ramadaan.

Nadwada ayaa waxaa lagu qaadanayaa Sadexda Habeen ee soo socda ciwaanada kala ah:

Nadwo-Ramadaanka-1 Nadwo-Ramadaanka-2 Nadwo-Ramadaanka-3 Nadwo-Ramadaanka-4 Nadwo-Ramadaanka-5

.

.

رمضان شهر التوبة والمغفرة.

فضائل شهر رمضان.

أحكام وآداب الصيام.

Si kastaba ha ahaatee Nadwadaan oo soconaysa muddo kooban ayaa waxaa bar bar so

conaya in laga jawaabo Su’aalaha ay Dad waynuhu qabaan.

C/raxmaan Bilaal Caad

Mu’asasada Alminhaaj Gaalkacyo

_____________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *