Hirshabeelle oo ka hadashy Dagaal beeleedyada Beledweyne

Muqdisho | QOL | May  22, 2017 –—Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle ahna ku simaha Madaxweynaha Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellah Dhexe.

Cali Guudlaawe ayaa shirkiisa jaraa’id waxa uu kaga hadlay Dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday Gobolka Hiiraan gaar ahaan Duleedka Magaalada Beledweyne.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo Dagaal beeleedyada ka socda Gobolka Hiiraan, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Waxa uu sheegay Dagaal in uusan faaido laheyn, maadaama dadka Dagaalamaya ay yihiin dad walaalo ah, oo aysan jirin meel ay kala tagaan.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *