Wasaaradda Maaliyadda oo sheegtay in ay ku guuleystay ciidamadda iyo shaqaalaha Dowladda in ay Mushaarkooda helaan.

uqdisho | QOL | May  22, 2017 –—Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si aad ula dagaashay Musuq Musaaqii jiray waxaana ay rajo wanaagsan ka muujisay in gebi ahaanba lasoo afjaro Musuqmaasuq iyo maamul xumo dowladeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in waxa ugu weyn ee ay  Wasaaradda  xooga saartay uu yahay la dagaalka Musuqmaasuqa asagoo xusay musuqmaasuqa in uusan ahayn kaliya lunsasho lacageed oo ay ku jiraan musuqmaasuq la xiriira Maamul Xumo Dowladeed.

Wasiirka ayaa sheegay in ay xooga saareen isla markaana dadaal badan ku bixyeen sidii ciidamadda Dowladda iyo Shaqaalaha Rayidka ah u heli lahaayeen Mushaaraadkooda iyo xuquuqda kale ee ay dowladda ku leeyihiin.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *