Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay dilalka ka dhaca Muqdisho

Muqdisho | QOL | May  22, 2017 –— Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay dilalkii dhawaan ka dhacayay magaalada muqdisho ee loo geysanayay dadka Shacabka ah.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay dilalka lagu haayo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay keeni doonto qorshayaal cusub oo looga hortagaayo dilalka lagu haayo Shacabka Soomaaliyeed.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo loo geysanaayay Ergooyinkii Soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *