Taliyaha Ciidamada Xooga “DF sharci haka soo saarto Burcada dhaca geysata”

Muqdisho | QOL | May 25, 2017 —–Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay soo saarto sharci u ogolaanaya in meeshooda lagu toogto Ragga Isbaarada dhigta.

Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid) Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu tilmaamay in Dowladda Federaalka laga doonayo in ay soo saarto sharci suuragelinaya in dadka dhaca geysta bartooda lagu toogto.

Waxa uu sheegay Qofkii Qori wax ku dhaca in uu yahay Burcad hubeysan, aysana u dulqaadan in la dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkan ayuu Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxa uu ka sheegay Degaanka Bali-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo uu shalay booqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *