Wariye Coldoon oo cafis loo fidiyey

Hargaysa  | QOL | May 25, 2017 – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa cafis u fidiyay Suxufi Samafale ah, kaasi oo lagu magacaabo C/malik Muuse Coldoon.

Wariye C/malik Muuse Coldoon ayaa Maxkamad ku taalla Magaalada Hargeysa waxa ay horey ugu xukuntay Labo sano oo xarig ah.

C/maalik oo 15-kii Febraayo lagu xiray ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu ku kacay falal ku lidi ah Maamulka Somaliland.

Odayaasha Dhaqanka Magaalada Hargeysa ayaa ka shaqeeyay sii deynta Wariye C/maalik Muuse Coldoon, waxaana soo dhaweeyay sii deyntiisa Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

cafis-coldoon

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Hargaysa

______________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *