Agaasimaha guud HSJ ayaa gaaray Dalka Biljimka

Muqdisho | QOL | June 2, 2017 – Agaasimaha Guud ee HSJ G/Sare Maxamed Adam Koofi ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahey dalka Biljimka.
Agasimaha ayaa halkaas kulan kula qaatey Safiirka safarada, Qumsulka iyo gudi ka socdey bulshada  Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Biljimka.
Kulanka ayaa looga hadley adeegga bixinta baasaboorka iyo aqoonsiga oo dhowaan laga bilaabey safaaradda, wuxuuna agaasimuhu kala hadley masuuliyiinta safaaradda iyo gudigaba muhiimadda ay leedahay ilaalinta sharciga iyo xeerarka lagu bixiyo baasaboorka iyo aqoonsiga.
Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Beljimka ayaa uga mahadceliyey HSJ adeegga ay soo gaarsiiyey oo dhib badan ay u mari jireen helidda baasaboorka iyo aqoonsiga.
.
.
.
____________________________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *