Dhagayso:- Xildhibaan Dalxa oo kahadalay dagaal beeledyada ka jira gudah dalka Soomaaliya

Muqdisho  | QOL | June 06, 2017 — Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa,oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaal beeleedyadii soo laab laabtay oo Maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay qeybo kamid ah tuulooyin hoostaga degamada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Halkan Ka Dhagayso

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay tahay wax aad looga xumaado in beelahaas ay xiligan wada dagaalamaan islamarkaana uu dagaalkooda uu gaaro waqti ay Guryaha iska gubaan islamarkaana dalagayda Beeraha ka soo baxa ay sidoo kale ay banaanka soo dhigan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadkaas uu Illaahey Aduunka uu meel wanaagsan ka dejiyay islamarkaana dhulkooda u yahay mid Kheyraad badan uu ku jiro loona baahan yahay in ay ka faa’iideestaan.

Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay Xildhibaanka in ay dagaalada joojiyaan islamarkaana wax walba miiska wadahadalka ku dhameeyaan.

Si kastaba dagaalkii ka dhacay dhowr tuulo oo kamid ah deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa haatan ah mid istaagay kadib markii ay soo kala dhex galeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle taas oo keentay in ay dib ugu soo laabtaan dadkii ka barakacay deegaanadii lagu dagaalamay.

.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *