Madaxweyne Xaaf: “Maxaabiista nooga xiran Soomaaliland iyo Puntland Gaalkacyo ayaa loo soo wareejinayaa”

Muqdisho  | QOL | June 08, 2017 —Xabsi laga hirgelinayo duleedka  koofureed ee magaalada Gaalkacyo kuna fadhiya dhul dhan 500 mitir ayaa waxaa maanta  kormeeray  madaxweynaah Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”.
Madaxweynaha Galmudug  oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka  gobolka Mudug ayaa kormeerkiisa  ku tegay dhismaha qabyada ah ee xabiga oo loogu tala galay in lagu xiro dadka galay danbiyada kala duwan.
Xaaf oo halkaasi  ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu ku dadaali doono dhameystirka dhismaha xabsiga si loo helo meel danbiilayaasha lagu xiro.
Sidoo kale bulshada deegaanka ayuu ugu baaqay inay maamulka la shaqeyaan si loo gaaro horumur iyo nabad gelyo.
Waxaa uu sheegay in la soo wareejin doono  maxaabiista ku xiran deegaannad Somaliland iyo Puntland marka la dhameeyo dhismaha xabsigan
uiiii
uiiiii
uii
iii

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *