Qarax geestay qasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Gobalka Shabelada Dhexe

Muqdisho  | QOL | June 08, 2017 —Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Qarax lagula eegtay Degaanka Xaanshooley oo 5 KM dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Jowhar.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala eegtay Gaari Cabdi Bile ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Inta la ogyahay Qaraxaasi ayaa waxaa ku geeryootay Saddex Askari, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 2 Askari oo kale sida ay inoo sheegaan dad goobjoogayaal ah.

Sikastaba ha ahaate ma ahan markii ugu horaysay oo uu qarx ceenkan oo kala ah uu ka dhaco gobalka shabeelada dhexe

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *