Dhagayso :- Madxweyna ku xigeenka Galmudug oo sheegay in la dhisayo ciidamada maamulkaasi

Muqdisho  | QOL | June 09, 2017 — Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi “ Carabeey” ayaa sheegay in Maamulkooda uu shaqeynayo dhismaha Ciidamada Maamulka Galmudug.

Halkan ka dhagayso

Waxa uu sheegay in ay xooga saaraya sidii loo qalabeyn lahaa Ciidamada Galmudug isla markaana ay shaqeynayaan hormarinta Ciiamada Kala duwan ee Galmudug.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la tayeeyo sidoo kalena la qalabeeyo Ciidamada Galmudug.

Waxa uu tilmaamay in Ciidamada Galmudug marka la qalabeeyo ay ka shaqeyn doonaan sidii loo Xasilin lahaa degaanada Galmudug.

Dhanka kale Madaxweyne Ku Xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi “ Carabeey” ayaa ka hadlay halka ay marayaan Wada hadalada Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna.

Waxa uu heegay in ay dhawaan bilaaban dooonaa wada hadalada Maamulada Galmudug iyo Ahlu Sunna isla markaana si wadajir ah loogu shaqeeyo sidii xal dhab ah loogu gaari lahaa khilaafka u dhaxeeyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay in ay si dhaw ula shaqeeyo Maamulka Ahlu Sunna.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *