Howlgalo Xoogan Oo Iminka Ka Soconay Muqdisho

Muqdisho  | QOL | June 10, 2017 —Wararka naga soo gaaraya degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ciidamada Xasilinta Caasimadda ay ka sameeyeen howlgal lagu soo qabtay hub.

Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa intii ay howlgalka wadeen waxa ay gacanta kusoo dhigeen labo nin oo watay qoryaha AK47 Sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Raggaan ayaa la sheegay in laga qabtay Guri ku yaalla degmada Waaberi, islamarkaana Ciidamada xasilinta Caasimadda ay xabsiga u taxaabeen.

Ciidamada loogu magac daray Xasilinta Caasimadda ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday Muqdisho.

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *