Sawirada:Rag:- ka tirsan Shabaab iyo qaraxyo ay wateen oo gacanta lagu dhigay

Muqdisho  | QOL | June 10, 2017 —Wasiirka amniga Maamulka Jubbaland Cabdrashiid Xasan Cabdi Nuur ayaa Saxaafadda u soo bandhigay Afar nin oo Shabaab ka tirsan iyo qaraxyo ay wateen, waxaana lagu soo bandhigay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, kadib markii laga soo qabtay Degmada Baled Xaawo.

Waxaa lagu soo qabtay Raggaan Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Ammaanka maamulka Jubbaland.

Wasiir Cabdrashiid Xasan Cabdi Nuur ayaa sheegay  ciidamada Jubbaland inay ka soo qabteen raggaan Degmada Baled Xaawo, xilli ay wateen caagado ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa iyo aalado kale oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan Shacabka gobolka Gedo.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in jubbaland ay laba jibaartay howlgallada gobolka Gedo

 

 

 

01 03 02

 

 

 

 

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *