Dhagayso:-Hay’adaha Ka Howlgalla Jubaland Oo Eeday Kulul Loo Jeedshay

Muqdisho  | QOL | June  24, 2017—–Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay Wadashaqeyn la’aan ay ka tirsanayaan Hay’adaha ka howlgalla deegaanada Maamulka Jubbaland xili ay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ay ka socdaan kulamo u dhaxeeya madaxda Jubbaland iyo kuwa Hay’addaha.

Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Gooni ayaa sheegay in Hay’addaha ay ka tirsanayaan wadashaqeyn la’aan dhexdooda ah islamarkaana cabashooyin badan oo ka imaanaya dhanka Shacabka ay ka soo gaarayaan dhankooda.

Waxa uu sidoo kale hadalkiisa intaas ku daray in xiriir xumada kala dhaxeysa Jubbaland Hay’adaha ay keentay in ay ku soo aruuraan Magaaalada Kismaayo taas oo keentay in Shaqooyinkoodii looga baahnaa in ay Shacabka u qabtaan ay hal meel ka wada dhigteen.

Halkan Ka dhagayso 

 

 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *