Dhagayso :-Maxkmadda C.Q.S Oo Ka Hadashay Dilalka Ay Fulshaan

Muqdisho  | QOL | June  24, 2017Guddoomiyaha Maxkamada Darada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Xukunada ay fuliso Maxkamada ay yihiin kuwo sax ah oo aan Cadaalad daro ku saleysneyn.

Guddoomiyaha ayaa difaacay hanaanka ay Maxkamadu u marto Xukunada ay fulineyso iyo sida loo dhageysto dacwada kala duwan ee Maxkamada la horkeeno.

Waxa uu sheegay in qofka marka dambi lagu soo oogo in uu xaq u leeyahay in qareen qabsado hadii kalena ay Dowladda u qabato Qareen.

Xasan Cali Nuur Shuute ayaa faah faahin ka bixiyay hanaankii loo maray Xukunadii ay isbuucii hore fulisay Maxkamada ee ka kala dhacay Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Waxa uu sheegay in Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ay ka go’an tahay in si Cadaalad ah u qaado dacwadaha loo soo gudbiyay.

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isbuucii la soo dhaafay waxa ay Xukuno dil ah ku riday Askar ka tirsan Dowladda kuwaasi oo la sheegay in ay Masuuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Nabadoon ku dileen Muqdisho.

Halkan Ka Dhagayso 

 

W/Q:- BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *