Deg -Deg :-R/wasaare Kheyrre oo kormeeray howlaha dekedda Muqdisho

Muqdisho   | QOL | 20 Luulyo 2017R/wasaaraha dalka mudane Xasan Cali Kheyrre ayaa markii Sagaalaad maanta kormeeray dekedda Muqdisho,  tan iyo markii loo magacaabay xilka .

Mudane Xasan Cali Kheyrre R/wasaaraha dalka ayaa kormeerkiisa ka billabay saldhigga booliiska ee dekedda, isagoo soo indha indheeyay habka uu saldhiggu u diiwaangeliyo Maraakiibta ku soo xirata Dekedda iyo badeecooyinka ka soo degaba.

R/wasaaraha ayaa kula dardaarmay saraakiisha iyo ciidamada ka howlgala saldhiggaasi in ay sui hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday, isagoo xusuusiyay baaxadda howsha u hayaan ummadda Soomaaliyeed iyo sida loogu baahnyahay iney uga soo dhalaalaan howshooda.

SIdoo kale R/wasaaraha ayaa kormeeray qeybaha maamulka dekedda, iyo hannaanka cashuuraha, wuxuuna la kulmay maamulka dekedda, isagoo ku boorriyay iney kordhiyaan shaqada ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed.

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Muqisho 

___________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *