Dhagayso :-Maamulka Galmudug Ayaa Baaq U Diray Maamulka Dhigiisa Ah Ee Putland

Galkacyo   | QOL | 20 Luulyo 2017 Taliska Booliska maamulka Galmudug ayaa Puntland ka dalbaday in ay ku soo wareejiyaan maleeshiyaad dilal ka geystay degaanka Saaxo-qurun ee gobolka Mudug.

Cabdi Jaamac Xabeeb oo ah Taliye ku xigeenka Booliska maamulka Galmudug ayaa   Qaranimo .com U  sheegay  Puntland in ay ka doonayaan maleeshiyaadka dilalka ka geystay degaanka.

Wuxuu sheegay si nidaam leh in ay Puntland uga doonayaan in ay ku soo wareejiyaan raggaasi, si looga wada shaqeeyo ammaanka gobolka, loona ilaaliyo heshiisyadii labada dhinac.

Raggan dilalka geystay ayay Galmudug sheegtay hadii gacanta lagu soo dhigo in ay horgeyn doonaan sharciga, si cadaalada loo marsiiyo, looguna qaado dambigii ay galeen ciqaabtiisa.

Maamulka Galmudug ayaa horey Puntland ugu wareejiyay maleeshiyaad dilal ka soo geystay degaanada Puntland, kuwaasi oo u soo cararay dhanka Galmudug, mid taasi la mid ah ayay hada Galmudug uga fadhidaa Puntland.

Halkan Ka Dhagayso 

 

Xafiiska Wararka |  Qaranimo Online | Galkacyo 

___________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *