Wafdi heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dastuurka oo gaaray Kismaayo

Kismaayo | QOL | July 21, 2017 – Wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee caasimadda KMG ah ee dawlad goboleedka Jubbaland.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Jubbaland oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano.

Intaa kadib, waxaa wafdiga loo galbiyay madaxtooyada Jubbaland oo ay salaan ugu tageen Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Wasiir Cabdi Xoosh ayaa Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Jubbaland ugu mahadceliyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga uu hogaaminayay.

“Waxa aan idinkaga mahadcelinayaa sida Soomaalinimada leh ee aad noogu soo dhaweeyseen Kismaayo, waa wax ay can ku tahay Jubbaland” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyn, wafdiga ayaa maalmaha soo socda shirar ku saabsan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka la geli doona Madaxweynaha, Wasaaradda Dastuurka, iyo Ururada Bulshada Rayidka ee Jubbaland.

xoosh-kismaayo-3 xoosh-kismaayo-2 xoosh-kismaayo-4 xoosh-kismaayo-1

.

.

.

________________________________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *