Dhagayso :- DFS oo sikulul ugu hadashay weerar ka dhacay agagaarka Villa Soomaaliya

Muqdisho | QOL | July 26, 2017 – Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay isku dhac u dhaxeeyay ciidammo ka tirsan dowladda oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Halkan Ka Dhagayso

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sheegay isku dhacaasi inuu ahaa shil ku dhacay si kama isla markaana ay ka xuntahay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in haatan uu socdo baaritaan ku aadan dhacdadaa

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Gaadhaanshigga Soomaaliya C/rashiid c/laahi Maxamed ayaa sheegay in falkaan dhacay dowladdu ay ka xuntahay sidoo kalana aysan saamayn ku yeelanaynin wada shaqaynta ka dhaxaysa ciidanka Qaranka.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *