Diyaarado Gar Gaar Oo Ku Wajahan Maamulka Galmudug

Muqdisho | QOL | July 29, 2017—Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in maalmaha soo socda in degaanada Galmudug ay tagi doonaan diyaarado.

Waxa uu sheegay in 2 diyaaradood ay tagayaan degaanada Galmudug isla markaana shacabka ay u geynayaan gargaar kala duwan.

Waxa uu xusay shacabka Galmudug  in ay yihiin dad dhibaateysan oo Colaad iyo abaaro isugu darsan tahay.

 Madaxweyne Xaaf ayaa tilmaamay in ay wax badan u qabanayaan dadka dhibaateysan ee degaanada Galmudug ku nool.

Madaxweynaha ayaa horay u sheegay in Abaaro daran ay ka jiraan degaanada maamulka Galmudug, islamarkaana dadkii kunoolaa ay barakaceen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *