Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay duleedka Muqdisho

Muqdisho | QOL | 11ka Ogosto, 2017 – Howlgalka dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa waxa ay sheegeen in ay fuliyeen duqeymo ka dhacay meel dhow gobolka Banaadir,islamarkaana ay ku beegsadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM  waxa ay sheegeen duqeyntaasi in ay  dhacday Subaxnimadii Khamiista aheyd , waxaana ay beegsadeen hoggaamiye Sare oo Al-Shabaab oo ka tirsan.

“Maanta labo duqeyn ayaa ka dhacday meel u dhow gobolka Banaadir ee koonfurta Soomaaliya, waxaana wali wadnaa baaritaano ku aadan duqeyntaasi iyo Khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay AFRICOM.

Ciidamada dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay si wadi doonaan duqeynta dagaalyahanada Al-Shabaab.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay  Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *