DEG-DEG:- Madaxweyne maamul Gobaleed oo xilkii laga qaaday

Muqdisho | QOL | Augusto 14, 2017 – Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa kalsoonida kala laabtay Madaxweyne Cali C/laahi Cosoble, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Canab Axmed Ciise ayaa shir guddoomineysay kulankan ka dhacay magaalada Jowhar.

Kulanka waxaa soo xaadiray 76 xildhibaan, 68 Mudane ayaa ogolaatay in kalsoonida lagala noqdo Cosoble, 6 xildhibaan way diideen, halka labana ay ka aamuseen.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa noqonaya sii haya xilka Madaxweynaha Hirshabeelle, maadaama Cosoble xilka laga xayuubiyay.

In ka badan 10 Wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadda Hirshabeelle ayaa shalay is casilay, kuwaasi oo sheegay in Cosoble uu mugdi geliyay Hirshabeelle, sidoo kalena aysan shaqo ka socon degaanada maamulkaasi.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *