DEG-DEG :-Xilka qaadis lagu sameeyey Madxweyne ku Xigeenka Hirshabeelle

Muqdisho | QOL | Augusto 16, 2017 – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa  u sheegay Qaranimo on line  in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenkii maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe.

Xildhibaan ka  mid ah kuwa sheegay in ay xilka ka qaadeen Guudlaawe  oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Faarax ayaa in 54 Xildhibaan ay xaadireen kulanka xilka looga qaaday Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Xildhibaanka ayaa sheegay in waxa ka socda Hirshabeelle ay yihiin fashil siyaasadeed oo ay ku lug leedahay Dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Xildhibaannada ka soo jeeda Hirshabeelle ee ku jira Federaalka ayuu ku eedeeyay in ay faragelin ku hayaan Maamulka Hirshabeelle oo ay ka shaqeynayaan in uu maamulkaas bur buro.

Waxaa uu intaas raaciyay in Xildhibaannada ku jira Federaalka ee ku lugta leh khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Hirshabeelle ay Maxkamad la tiiogsan doonaan.

,

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *