Ciidamada dowladda oo Gaari laga shakiyay Gacanta Ku Soo Dhigay

Muqdisho August 20, 2017-Gaari looga shakiyay in ay saaranyihiin walxaha qarxa ayaa lagu arkay Iridda Galbeed ee Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo ku taalla Degmada Xamarweyne.

Ciidamada ayaa saakadii hore xiray Waddooyinka ka adhow goobtaas waxaana ay dadka amrayeen in ay ka wareegtaan goobta qaraxa looga shakisan yahay.

Waxaa loo yeeray Ciidamada u tababaran miina baarista kuwaas oo baaritaan ay Gaariga ku sameeyeen kaddib ka waayay walxaha qarxa.

Ciidamada ayaa dib u fasaxay Waddooyinka u dhow Jaamacadda waxaana Gaariga oo uu noociisa ahaa Spacia ka qaaday Ciidamada Dowladda ee markii hore isku gedaay.

Isku socodka dadka iyo Gaadiidka ayaa sidii hore ku soo laabtay,waxaana dadka ay ihiin kuwo adeegsanaya waddada hadda kaddib markii ay Ciidamada dib u fureen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *