Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo eedayn u diray Beesha Caalamka

Muqdisho | QOL |  22  August 2017 — Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam ayaa ku eedeeyay Beesha Caalamka in ay caqabad ku tahay horumarka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Beesha Caalamka aysan doonin in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka hormaray.

Axmed Madoobe ayaa Beesha Caalamka ku eedeeyay in aysan dhab ka aheyn wax u qabashadda Soomaaliya,islamarkaana aysan aaminsaneyn dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Beesha Caalamka ayuu  xusay in aysan waxba taraynin hadii deeqaha ay Soomaalida ugu tala galeen ay u dhiibaan NGO-yo aan waxba u qabanaynin umada.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ka hadlay dadka ay Hay’adaha gargaarka ee Caalamiga ah ka shaqalaysiiyaan gudaha Soomaaliya wuxuuna ugu baaqay in dadka gudaha dalka wax ku bartay ay xooga saran maadama ay ogyihiin duruufaha dalka ka jira.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________

 

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *