Banaanbax looga soo horjeedo AMISOM oo ka dhacay Degmada Afgooye

Muqdisho | QOL | 08 September 2017 – Banaanbax looga soo horjeedo Ciidamada AMISOM ee ku sugan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Saakay ka dhacay Degmadaasi.

Boqolaal Ruux oo ka cabanaya Nin Madaxa looga jiro oo Dhowr Maalin ka hor ay Toogteen Ciidamada AMISOM ee ku sugan Degmada Afgooye ayaa Saakay isugu soo baxay Xaafadaha ay ka Kooban tahay Degmada Afgooye,waxaana ay ku Qeylinayeen in la siiyo Xaquuqdii uu lahaa Muwaadinka Soomaaliyeed ee u dhintay Rasaas la sheegay in Ciidamada AMISOM ay ku Fureen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa la hadlay Dadkii Banaanbaxa dhigayay oo ka Codsaday in ay joojiyaan Banaanbaxa oo ay ku laabtaan Guryahooda,balse wey ka diideen Dadkii Banaanbaxa dhigayay Dalabka uga yimid Maamulka Degmada Afgooye.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *