Duuliye ka tirsan Etihad Airways oo geeriyooday isagoo diyaaradda wada

Muqdisho | QOL | September 28, 2017 — War ay soo saartay SHarikadda Diyaarada Imaaraadka laga leeyahay ee  Etihad Airways ayey ku sheegtay in shalay uu geeriyooday mid ka mid ah duuliyayaasha diyaaradaheena kaddib markii uu si kedis ah u xanuunsaday.

Duuliyaha ayaa Diyaaradda ka kiciyay Magaalada Abu Dhabi waxaana ay ku sii jeedday Amsterdam,laakiin markii ay daqiiqado yar hawada ku jirtay ayaa waxaa uu sarkaalka 1aad ee diyaaradda dalbaday in si deg deg ah u degto.

Diyaaradda ayaa si aan ku talo gal ahayn uga degtay Dalka Kuwait,waxaana Sharikadda Etihad Airways warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ay ka xunyihiin liminta mid ka mid ah saaxiibadood.

October, 2015, duuliye ka tirsan  American Airlines,ayaa geeriyooday isaga oo diyaaradda hawada kula jiray,sidoo kalena Sanadkan billowgiisii isla duuliye ka tirsan American Airline ayaa geeriyooday isaga oo diyaaradda wada.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online  | Muqdisho 

______________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *