RW Kheyre iyo wafdigiisii oo caawa kasoo dagay Garoonka Aadan Cadde

Muqdiaho | QOL | September 28, 2017 – Ra’isul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane  Xasan Cali Kheyre iyo Wafdigii uu hogaaminayey oo howlo shaqo dalka uga maqnaa ayaa caawa kasoo dagay Garoonka Diyaaraddaha ee Aadan Cadde International ee magaalada Muqdisho.

Ra’isul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo isgu jiray xildhibaano, wasiiro iyo mas’uuliyiin kale.

Mudane Kheyre oo kasoo qeyb galay kulanka guud ee Qaramadda Midoobay ayaa sidoo kale si gooni gooni ah kulamo ula soo yeeshay madax kala duwan oo shirka Qaramadda Midoobay ku matalaayey Dalalkood.

Faah Faahin Dheeri ah Dib ayaan idnkaga soo gudbin doonaa Haddii rabi idmo

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *