Qarax Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Muqdiaho | QOL | October 1, 2017—–Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan degaanka Garasbaalay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Qarax lagula beegsaday Sarkaal ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Qaraxa ayaa ahaa Miinada dhulka lagu Aaso, waxaana la sheegay in Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Labo Afle uu ka badbaaday Qaraxa,laakiin ay waxyeelo soo gaartay Askartii la socotay.

Mas’uuliyiinta degaankaasi ayaa Qaranimo Online  u sheegay in ciidamada la qarxiyay ay kusoo jeedeen Magaalada Muqdisho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *