Taliyayaashii Nabad Sugidda Iyo Kan Booliska Dagmada X/Weyne Oo Xilkii Laga Qaaday

Muqdiaho | QOL | October 1, 2017—–Wasiirka amniga Amniga gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed ABuukar Islow Ducaale ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho ka sheegay in uu xilkii ka qaadayay taliyayaashii nabad sugidda iyo Booliska Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirku waxaa uu sidoo kale sheegay in xabsiga la dhigay 12 Askari oo ku sugnaa labo saldhig oo ku yaalla Xamarweyne,halkaas oo 27kii Bishii hore weerar ka dhacay lagu dilay labo qof oo ka tirsanaa Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale lala xisaabtamayo Askarta wali maqan ee lagu raadjoogo,kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay xilliga weerarkaas shaqada lahaayeen islamarkaana dayacay shaqadoodii.

Wasiir Islow waxaa uu xusay in weerarkaas loo soo qabtay dad la tuhmayo iyo gaarigii weerarka lagu geystay oo uu sheegay in uu baaritaan ku socdo.

Wasiirka ayaa waxaa uu dalbaday in sida ugu dhaqsiyahabadan lagu soo gaba gabeeyo baaritaanka islamarkaana Bulshada loo soo bandhigo,sidoo kalena sharciga la geeyo dadkii weerarkaas ka dambeeyay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *