Hub iyo Maandooriye Maanta Muqdisho Lahu Soo Bandhigay

Muqdiaho | QOL | October 1, 2017—–Laamaha amaanka Soomaaliya ayaa wasiirka amniga Soomaaliya u soo bandhigay Hub iyo maandooriye ay ku soo qabteen howlgalladii ay xalay ka sameeyeen Degmada Hodon.

Ciidamadan ayaa maanta Wasiirka amniga uga fadhiyaa in ay soo bandhigaan dadka ka dambeeya weerarrada ka dhaca Muqdisho ee dadka lagu dilo.

2

Khamiistii ayuu Wasiirk ballamiyay laamaha amniga in ay soo sheegaan cidda ka dambeysa weerarrada Muqdisho,haddii kalena ay xilka qaadis iyo Xabsi la kulmi doonaan saraakiisha ama isaga uu xilka weynayo.

Wasiirka iyo laamaha amniga oo ku sugan Xarunta Booliska ee Jen.Kaahiye ayaa la filayaa in uu ka hadlo goobtaas iyada oo wali uu socdo kulanka laamaha amniga iyo Wasiirka ee lagu ballamay todobaadkii hore.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *