Madaxweynaha Maamulka Putland Oo Gaaray Kismaayo

Muqdisho  | QOL |  08 Oktoobar, 2017 –Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.

Gaas oo ka ambabaxay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa si wayn Garoonka Kismaayo ugu soo dhaweeyay Madaxda Maamulka Jubbaland.

Madaxda Maamul Goboledyada dalka ka jira, ayaa lagu wadaa in Shir uu kaga furmo Magaalada Kismaayo, iyadoo Dowladda dhexe shirkaasi dareen ay ka qabto.

Waxaa Kismaayo ku sugan Dhammaan Madaxda maamulada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

 

vvvvvvvvvvv

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *