Guddiga Doorashada Somaliland Oo Shaaciyay Tirada Dadka Codeyneya

Muqdisho  | QOL |  10 Oktoobar, 2017 –Guddiga doorashada Somaliland ayaa maanta soo bandhigay tirada guud ee cod bixiyeyaasha doorashada Madaxtooyada ee dhici doona 13  November ee bisha soo socota.

Shir jaraa’id oo uu Guddiga ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxay ku shaaciyeen tirada laga diiwaan geliyay gobolada iyo magaalooyinka Somaliland ee codeyn doona

Tirada guud ee cod bixiyeyaasha ayaa gaareysa 704,089, oo ah dadkii qaatay kaararka aqoonsiga ee cod bixiyeyaasha.

Olole doorasho oo aad u kulul ayaa xilligan ka socda magaalooyinka iyo deegaanada Somaliland, iyadoo musharaxiinta saddexda xisbi ee Wadani, Kulmiye iyo Ucid ay ku guda jiraan ololahoodii u dambeeyay.

 

0000000...

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *