Kenya oo Sheegatay In ay Dileen Shan Shabaab Ah

Muqdisho  | QOL |  10 Oktoobar, 2017 –Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegey in ay dileen dagaalamayaal ka tirsan ururka al-Shabaab ayna sidoo kale saanado ciidan ku soo qabteen, howl gal ay ciidankoodu sameeyeen.

Afhayeen u hadlay ciidamada, David Obonyo, ayaa sheegey in howlgalka oo ka dhacay deegaannada keymaha Boni iyo Bodhey ay ku dileen shan Nin oo ka tirsaneyd ururka al-Shabab.

Waxa uu Obonyo sidoo kale sheegey in ay ku soo qabteen howl galkaasi lix qoryaha AK47, 321 rasaas, iyo seddex bam gacmeedyo.

Al-Shabaab ayaa hore weeraro uga geystay deegaannadaasi gudaha dalka Kenya ah.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *