Banaabax Ka Soconaya Muqdisho

Muqdisho | QOL | 18 October 2017 – XMagaalada Muqdisho waxa ka socda banaanbax ayay dadweynuhu ku muujinayaan dareenkooda, islamarkaana ay uga soo horjeedaan ciddii gaystay qaraxii 14-kii October ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa buux dhaafiyay Boqolaal Shacab ah iyo iyadoona sidoo kale ay dadku hadda kusoo qulqulyaan Garoonka Koonis.

Waxa kale oo wali socda gargaarka ka imanaya gudaha iyo dibada lagu taban taabinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxaas.

Qaraxii ka dhacay Muqdisho 14-kii Bishaan ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 300 oo qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan 400 qof, waxaana wali socda Gurmadka dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay Qaraxaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

 

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *