R. Wasaare Kheyrre oo kulan Deg Deg ah Isugu yeeray Golahiisa Wasiirada.

Muqdisho | QOL | 29  Oktoobar 2017 —Xasan Cali Kheyrre Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Golahiisa Wasiirada si looga hadlo xaalada Dalka gaar ahaan qaraxii iyo weerarkii shalay ka dhacay Hotel-ka Naasa-hablood Labo ee degmada Xamar-weyne.

Wararka aan ka heleyno Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegaya in kulankaan deg dega ah looga hadlaayo dhibaatadii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho waxaana la filayaa in go’aano kale laga soo saaro.

Xubnaha Wasiirada qaar ayaa hada ku sii qul qulaya Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya lama oga nuuca uu noqon doono go’aano la sheegay in ay laga soo saari doono Shirkaan deg degga ah.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *