Sargaal ka tirsan Hay’adda Nabad Sugidda oo Afgooye lagu dilay


Muqdisho | QOL | 11  November 2017 –Koox Bastoolado watay ayaa Xalay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ku dilay sargaal Sare oo ka tirsan Ciidamada nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya,waxaana la sheegay in Dilka ka dib ay Goobta ka baxsadeen Kooxdii Dilka geysatay.

Howlgal ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya Xalay illaa Saakay  ka sameeyeen Gudaha Degmada Afgooye ayey ku soo qab qabteen Tiro Dhalinyaro ah oo looga shaki sanan yahayin ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Dadka lagu qab qabtay Howlgalka ka dhacay Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa lagu hayaa xarumaha Ciidamada ,kuwaas oo baaritaano lagu wado.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *