Wasiirka Amniga Oo Ka Digay In qal qal Lag sho Amniga Muqdisho

Muqdisho | QOL | November 17, 2017–-Wasiirka amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Isloow ayaa ka hadlay dad uu sheegay in ay qal qal gilinayaan amaanka magaalada Muqdisho iyo Guud ahaan Soomaaliya arimahaas oo walaac ku beeray dadka shacabka ah.

Wasiirka ayaa digniin u diray dadka ka shaqeeya faafinta wararka been abuurka ah oo ku saabsan dhinaca amniga, Isloow ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doono hadii laga baaqsan waayo arimahaan Shacabka lagu cabsi gilinayo.

Hadalkaan ayaa wasiir isloow waxa uu ka sheegay Shirkii Golaha Wasiirada ee lagu qabtay Magaalada Muqdisho Islamarkaana lagu soo bandhigay magacyada Ilaa 29 qof oo ay xukumadda ku sheegtay horjoogayaal iyo Dagaalamayaal ka tirsan Shabaab.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *