Dhagayso:–Madaxweyne Hir-shabelle Oo Soo Dhisaya Wasiiro aysan Xildhibaano ku jirin

Muqdisho | QOL | November 20, 2017–Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa lagu waddaa in uu soo magacaabo gole Wasiiro oo aysan ku jirin xildhibaano.

Kulamo kala duwan oo xalay ilaa iyo shalay ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa looga hadlay sidii ay u aqbali lahaayeen xildhibaanada in laga reebo Wasiiradda  uu soo magacaabayo Madaxweyne Waare.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa qaatay go’aan ah Wasiiradda cusub uusan kusoo darin wax xildhibaano ah, islamarkaana uu wada gaarsiiyo dadka Hirshabeelle maamulka.

Arintaasi ayaa waxaa ka horyimid qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle, waxaana warar qaar ay sheegayaan in ugu dambeyntii lagu qanciyay in ay wasiiradda ka haraan.

Xildhibaan Maxamed Cadow oo ka mid ah Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa Risaala u sheegay in la xaliyay inta badan Khilaafkii taagnaa.

Halkan Ka Dhagayso

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *