Natiijada Doorashadii Soomaaliland oo la filayo waqtiyada soo socda in lagu dhawaaqo

Hargaysa  | QOL | November 20, 2017–Waxaa laga dhursugaya in lagu dhawaaqo natiijada doorashadii ka dhacday Soomaaliland, iyadoo Guddiga doorashooyinka la filayo in uu ku dhawaaqo natiijada, taasi oo shaacinaysaa madaxweynaha bedeli doona Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo.

Wuxuu sheegay Guddiga Doorashada in Dib loo tiriyay Codadkii Muranka dhaliyay ee laga dhiibtay Magaalooyinka Hargeysa iyo Gibileey, wuxuuna intaasi ku daray in saacadaha soo socda ay shaacin doonaan Musharaxii ku Guuleystay Doorashada Madaxweynaha Somaliland.

Wararka ayaa tilmaamaya in Xisbiga Wadani uu Saluugsan yahay Natiijada ay ka heleen Gobolka ay Soomaaliland ula baxday Maroodijeex oo ah Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Waxaa si weyn loo sugaya ku dhawaaqista natiijada doorashada, Ilaa iyo haatan lama saadaalin karo cidda ku guuleysatay doorashada, balse maalmahan waxaa jirey kacdoon rabshado dhaliyay kadib markii xisbiga Wadani uu eedeymo u jeediyay Guggiga doorashada.

.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Hargaysa 

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *