Sawirada Xilwareejintii Maanta Ka Dhacaday Muqdisho

Muqdisho | QOL | Disembar 02, 2017 –Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa maanta xilkiisa la wareegay ka dib Munaasabada ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Waxaa kasoo qeyb galay Xafladda xil wareejinta guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaano,Taliyaha ciidanka Xooga Dalka,saraakiil,Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya,iyo diblomaasiyiin kale.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa munaasabdda ka sheegay in uu qorsheynayo xoojinta tayaynta iyo dhismaha ciidanka Xoogga Dalka,maadaama ay muhiim ay u yihiin difaaca Dalka.

Dhawaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre wuxuu u magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan in uu noqdo Wasiirka Gaashaandhigga wuxuuna bedelay C/rashiid C/llaahi Maxamed oo dhawaan xilkaasi iska casilay.

bbbbv bbbc bbbh bbbk

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *