Ra’iisul Wasaaraha Israel Oo Sheegay in Falastiiniyiintu ay Aqbaalaan in Qudus ay Caasimad u Tahay Israel.

Muqdisho | QOL | December 11, 2017 —Ra’iisulwasaraaha Israa’iil ayaa sheegay in ay waajib tahay in Falastiiniyiintu “ay u daadagaan” xaqiiqada ah in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil si loogu dhaqaaqo dhanka geeddi socodka nabadda.

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Qudus ay caasimad u ahayd Israa’iil 3,000 sano, aysanna caasimad u noqonin waligeed dad cid kale.

Wuxuu hadalkan jeediyay iyadoo bartanka lagaga jiro mudaaharaadyada ay Muslimiinta iyo Dunida Carabtu kaga soo horjeedaan go’aanka uu Maraykanku ku aqoonsaday in Qudus ay tahay caasimadda Israa’iil.

Rabshado ayaa ka dhacay agagaarka safaaradda Maraykanka ee Lubnaan iyo goobo kaleba Axaddii.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

 

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *