Sawiro:–Al-shabaab Oo Soo Bandhigay Gaari ay Sheegeen in uu Mareykanku Duqeeyay

Muqdisho | QOL | December 12  2017 —-Warbaahinta Al Shabaab ayaa waxa ay soo bandhigeen Sawiro muujinaya gaari Homy ah oo lala beegsaday Duqeyn xalay ka dhacday degaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha hoose.

Duqeynta ayaa lala eegtay gaari noociisa uu yahay Homy oo Khudaar ka soo qaadi rabay duleedka Degaanka Mubaarak, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Diyaarad nooca Drones-ka ah ayaa gantaal ku dhufatay gaarigaan oo yaalay beer dhexdiisa, xilli uu ku rarnaa Khudaar loo soo waday Magaalada Muqdisho.

Waxaa la sheegayaa in duqeyntaasi uusan ka dhalan wax khasaare nafeed oo soo gaaray dadkii lahaa Baabuurkaasi.

Darawalka Baabuurka iyo Kirishbooygii Baabuurka ayaa la sheegay inay ku maqnaayeen Magaalada gudaheeda, halkaasi oo ay u jiif doonteen sida Warbaahinta Shabaab ay

 

 

1 2

GGGGGGGGGGG YYYYYYYYYYYY

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *