Madaxweynaha Galmudug Iyo Taliyaha CXDS oo Furay Wadooyinkii Xirnaa ee Gaalkacyo

Galkacayo | QOL | December 16 ,2017 —Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaalle Geelle ,Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiwali Jaamac Gorod iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta ku guuleystay in ay furaan wadooyinkii ku xirmay dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.

Furitaanka wadooyinkaan ayaa yimid ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyne Xaaf uu Gaalkacyo ka waday Ololo nabadeyn ah.

Wadooyinka maanta la furay ayaa ah kuwo muhiim u ah isku socodka dadka iyo sidoo kale Gaadiidka.

c1 c2 c3 c4 c5 c6 c7

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Galkacyo 

____________________________________________

 

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *