NISA oo gacanta ku heysa siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Muqdisho  |  QOL | December 18, 2017 – Sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowlada qeybta amniga ayaa sheegaya in ciidamada Nabadsugida Qaranka ay xalay xili danbe weerar ku qaadeen guriga uu degan yahay siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame, weerarkaa kadibna ay ciidamada Nabad Sugidu ay gacanta kusoo dhigeen.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida oo watay gaadiidka dagaalka ay xalay saqdii dhexe weerareen gurigiisa, iyadoo la maqlayay rasaas culus oo ay is weydaarsadeen Ilaaladiisa iyo Ciidamadii Nabadsugida.

Is rasaaseynta kaddib Ciidamada NISA ayaa u suuragashay inay la wareegaan gurigiisa, kaddibna ay ka soo kaxeeyaan, wararka qaar ayaa sheegaya in la xiray C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Sidoo kale waxaa lala xiray Siyaasiga kale Sayid Cali Macalin Cabdulle oo horay u soo noqday Maareeyihii Dekeda Muqdisho

Goob joogayaal ayaa sheegaya in is rasaaseynta lagu dilay afar ka mid ah Ilaalada C/raxmaan C/shakuur.

C/raxmaan C/shakuur ayaa muddooyinkii u dambeeyay waday olole lagu mucaaradayo dowladda Madaxweyne Farmaajo, iyadoo horay uu shirar dhowr ah ugu qabtay Hotelo ku yaalla Muqdisho.

Ma jirto illaa iyo hada wax war oo ka soo baxay Laamaha Ammaanka iyo Xukuumadda oo ku aadan howl galka xalay lagu qaaday Guriga C/raxmaan C/shakuur.

Wixii warar ah ee soo kordhana waxaan idinkuugu soo gudbin doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *